Maxkmadda Ciidamada Qalabka Sida Ee Jubbaland Oo Maanta Xukun Riday (Sawrrio)

Wararka Maanta

Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida Jubbaland ayaa maanta mar labaad u fariisata dacwad loo haystay 13 askari oo tirsanaa ciidamada dowlad gobaleedka Jubbaland,kuwaasi oo lagu eedaysay falal amniga lid ku ahaa.

13 eedaysane oo maanta lahorkeenay maxkamadda ayaa mid ka mid ah lagu xukumay dil toogasho ah ka dib markii maxkamadda lahorkeenay cadeyn iyo makhraati, waxaa lagu eedeyay in uu si bareer ah u dilay AUN Nabadoon Xasan Goolo.

halka 3 ka mid ahaa horjoogayaashii kooxdan iyagana lagu xukumay min 3 sano oo xabsi ah waxaa sidoo kale maxkamadu 7 ka mid ah ragan dambiga lagu helay ay ku xukuntay min 2 sano xarig ah maxkamadda ayaa dhanka kale fasaxday 2 ka tirsanaa kooxdan ka dib markii lagu waayey wax dambi ah.

G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed oo ah garsooraha koobaad maxkamadda ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda.