Burcad badeed Soomaaliyeed oo lagu xukumay dalka Mauritius

Wararka Maanta

pirates-16x91

Maxkamad ku taalla caasiamadda dalka Mauritius ee Port Louis, ayaa min Shan sano oo xabsi ah ku xukuntay 12 qof oo burcad badeed Soomaaliyeed ah.

Burcaddan ayaa lagu eedeeyay inay weerareen markab nooca xamuulka qaada ah oo lagu magacaabo MSC Jasmine,kaasoo ku gooshayay calanka waddanka Panama.

14-kii July ee sanadkan ayaa la sheegay in Burcaddan lagu caddeeyay kiiska loo haysto, kuwaasoo ay ciidamada la dagaallanka Burcad badeeddu ka qabteen Badweynta Hindiya Bishii January sanaddii 2013-kii.

Eedeysanayaashan oo ay da’doodu u dhaxayso 22 illaa 47 sana jir,ayaa sida ay maxkamaddu sheegtay laga jari doonaa min Saddex sano oo ay xabsiga ku jireen, waxanay inta u harsan ku dhammaysan doonaan magaalada Port Louis.

Comments are closed.