Taliyaha AMISOM iyo Abandulaha Xoogga Dalka oo Cadaado gaaray

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa goordhow gaaray Magaalada Cadaado  xarunta kumeelgaarka ah ee Galmudug Wafdi ay horkacayeen Taliyaha Howlgalka AMISOM Gen. Subagle iyo Abandulaha xoogga dalka Gen. Cali Baashi, Wafdigaan ayaa waxaa garoonka diyaaradah Cadaado ku soo dhaweeyey saraakiil ciidan iyo musuuliyiin kale.

Subagle AMISOM

Wafdigan ayaa kulamo Xarunta Madaxtooyada kula leh Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, wasiiro iyo saraakiil ciidan, waxaana ilo ku dhow madaxtooyada inoo xaqiijiyeen in kulan looga hadlay xaalada siyaasiyadeed ee Galmudug ka taagan, iyo sidii loo xalin lahaa arintaas, waxaana kale oo ay kawada hadleen sidii Alshabaab looga xoreyn lahaa deeganada ay ku sugan yihiin, iyo sidii loogu gurman lahaa dadka abaartu saameysay.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa shalay galab safar ku gaaray Muqdisho, lamana sababta rasmiga ah ee safarkiisa, laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda federaalka iyo beesha caalamku u yeereen Madaxweynaha, waxaana laga hadlayaa khilaafka ka dhex aloosan barlamaanka iyo Madaxweynaha.