Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo Magacowday Guddiga Imitixaanaadka

Wararka Galmudug Wararka Maanta WAXBARASHADA

Wasaaradda Waxbarasadda Waxbarashad iyo barbaarinta dowlad goboleedka Galmudug ayaa magacowday guddigga madaxa banaan ee imitixaanada fasaladda sideedaadka, Guddigan ayaa ka kooban 5 xubnood, waxaana munaasabad ka dhacay magaalada Cadaado lagu shaaciyey Magacyada guddigan.

Agaasimaha Wasaaradda Axmed Nuur ayaa u aqriyey saxaafadda warqaddan oo ka soo baxday wasaaaradda Waxbarashada, waxaana Madashada goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda Waxbarashada Sheekh ibraahim Guureeye, wasiir ku xigeenka Ilyaas Maxamuud, Agaasimaha guud ee wasaaradda iyo guddiga cusub ee la magacaabay.

Xubnaha guddigan ayaa kala ah

  1. Bashiir Daahir Xaashi

  2. Ilyaas Axmed Ibraahim

  3. Maxamed Cabdullaahi Maxamed

  4. Maxamed Maxamuud Nuur

  5. Axmed Muuse Axmed

 

16111555_1342825442440870_970948595_n