Muddo Hal sano ah ayaa kasoo wareegtay Markii weerarkii Xooggan Al Shabaab ay ku ekeeyeen Saldhigii ugu weynaa ciidamada Kenya Degaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo.
Weerarkaas ayaa dhacay 15 Janaayo 2016-ka, Shabaab ayaa laayay ku dhawaad 200 kamid ah ciidanka Kenya, sidoo kale waxa ay gubeen Saldhigii ciidanka Kenya ay ka deganaayeen Degaanka Ceelcadde.
Dowladda Kenya iyo Wasaarada Difaaca dalkaasi waxa ay muddo ka meer meereen inay shaaciyaan tirada saxda ah ee ciidamada Kenya looga dilay weerarkaasi, iyaga oo u arka hadii ay sheegaan ciidamada la laayay tiradooda inay niyad jab iyo walaac xoogan ku abuureyso shacabka Kenyan-ka ah.
Al Shabaab waxa ay xerada Degaanka Ceelcadde ee dalka Kenya ka daabusheen hub fara badan oo Keyd u ahaa ciidankii Kenya ee halkaasi joogay, sidoo kalena waxa ay gubeen gaadiid fara badan oo ciidamada ay isticmaali jireen.