Soomaaliland oo dad shacab ah ku xir xirtay Laas-caanood

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya Magalada laas-Caanood ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Soomalailand ay Xabsiga dhigeen tira dad ah oo ka mid ah dadka ku nool Magalada laas-Caanood.

Dadka la xiray oo tobaneeyo kor u dhaafaya ayaa waxaa la sheegay inay ka mid ahaayeen dad dagaal shalay kala horyimid Ciidamada Soomaaliland oo wada howlo burburin ah,kadib amar kasoo baxay Wasaaradda Howlaha Guud ee Soomaaliland.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dadka la xiray oo isugu jira rag iyo Dumar ay xalay ku hoydeen Saldhiga Booliska Magalada laas-Caanood,hayeeshee ay saldhiga tageen qaar ka mid ah Odayaasha laas-Caanood,balse ay ku guul dareesteen dadaalo ay ku doonayeen in lagu sii daayo.

Mid ka mid ah Waxgaradka Magalada laas-caanood oo la hadlayay mid ka mid ah Warbaahinta ka howlgasha deegaannada Puntland ayaa sheegay in mar walba ay dhibaato kala kulmaan Ciidamada Soomaaliland ee ku sugan Magalada laas-Caanood, isaga oo baaq u diray Madaxda Soomaaliland.

Si kastaba Magalada laas-Caanood ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamay Ciidamada Booliska Soomaaliland iyo dadka Shacabka ah oo maamul ahaan diidan Soomaaliland oo Magaaladaas maamusha,waxaana jirtay dhinaca kale dagaal beeleedyo ka dhacay Magalada laas-Caanood iyo tuulooyin hoostaga.