Jawaari”Waa inaan ogaanaa tirada Ciidamada Shisheeye ee Dalka jooga”

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa ka dalbaday Xukuumadda inay u soo gudbiso tirada Ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan.

“Waxaa maqalnay AMISOM waa baxeysaa, AMISOM waa joogeysaa, marka hore hadii ay baxayaan waa in aan xog ka heynaa, umana jeedno arrintaas, Amniga anaga dhan ayuu waajib naga saaran yahay Xukuumadda kaliya ma ahan”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari oo intaa ku daray inay muhiim tahay in marka ciidamo imaanayaan iyo marka ay baxayaan la ogaado.

Sidoo kale Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Baarlamaanada kale lala socodsiiyo marka askar dalkooda la keenayo, isla markaana iyagoo aan ansixin aan askar dalkooda la geyn sida uu yiri.

“Waa in aan nala socodsiiyo oo aan ogaano Ciidamada shisheeye nidaamka iyo shuruudaha ay ku joogaan, waa arrin meel gaar naga taabaneysa, Baarlamaanada kale hal askari marka banaanka laga keenayo xataa waa loo geeyaa, iyagoo aan ansixin dalkooda looma geeyo”ayuu yiri Jawaari

Mr Jawaari ayaa sheegay in Gole ahaan ay xaq u leeyihiin, isla markaana tahay arrin lagama maarmaan, waxaana uu faray Guddiyada Arrimaha Gudaha iyo Difaaca inay arrintan il gaar ah u yeeshaan.

Illaa 22 kun askari oo ka socda Midowga Afrika ayaa ku sugan Soomaaliya, sidoo kale Ciidamo Mareykan ah oo gaaraya boqolaal askari, ciidamo ka socda dalalka Ingiriiska, Talyaaniga iyo dalal kale ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo taageeraya Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida.