Sawirro: Ra’iisulwasaare ku xigeenka Jarmalka oo Booqasho ku yimid Soomaaliya

Wararka Maanta

Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Jarmalka Mr Sigmar Gabriel ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho Caasimadda dalka, Waxa uuna la kulmay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Mr Sigmar iyo Kheyre ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ,gaar ahaan iskaashiga labada dowladood  iyo wax ka qabashada dhinacyada amniga iyo xaaladaha abaaraha

Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Jarmalka Mr SignarGabriel ,ayaa sheegay in dowladda Jarmalka ugu deeqday Soomaaliya lacag dhan 70-milyan oo Euro

R/wasaaraha dowladda JFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka mahadceliyay lacagahaasi deeqda ah,isagoo ku booriyay in dowladda Jarmalka ay halkaasi ka sii wadaaan taageeridda dadka Soomaaliyeed

Booqashada R/wasaare ku-xegeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Jarmalka ayaa qeyb ka dadaalka beesha caalamka ugu jirto garab istaaga Dowaladda Federaalka Soomaaliya iyo wax ka qabashada xaaladaha Abaareed ee kajira Dalka .

C-uvSVvXUAAJ7tm C-uy-m5UIAA9Bd_ C-v5JX3XgAAvxqz C-vzGYNXgAAcCeK C-vzIUWXcAAkt1_