Daawo: Xarun ay ku shaqeynayaan Maxkamadaha iyo Xeer Ilaalinta oo laga hirgelinayo Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xaruntan oo noqondoonta meel ay ku shaqeeyaan maxkamadaha iyo xeer ilaalinta, dadka maxkamaduhu xukumaana lagu hayndoono ayaa laga hirgalinayaa galbeedka magaalada Cadaado, waxaana maanta si wada jir ah u dhagax dhigay Madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Guud Bashiir Maxamad Jaamac iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir.

Guddoomiyaha degmada Cadaado C/llahi C/raxmaan Tootoole ayaa sheegay in maamulka degmadu uu ku deeqay dhulkan oo ah hal KM oo isku weer ah.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in meeshan xabsi kaliya aysan noqon doonin balse xafiisyo xeer ilaalintu leedahay laga hirgalindoono, si ay u noqoto meel adeegyo dhamaystiran leh.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in hirgalinta dhismahan ka dib ay noqon doonto meel maxaabiistu cadaalad iyo daryeel ku helaan.

“Xabsiyada Soomaaliya waxaan doonaynayaa inaysan noqon baqaaro dadka lagu ciqaabo, balse meeshan waxaan u diyaarinaynaa in maxaabiistu daryeel iyo waxbarashaba ka helaan oo warshado yar yar ayaan ka hirgalinaynaa” ayuu yiri Bashiir Goobe.

Madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in tani ay tahay waxqabad muuqdo oo iskaashi dhinacyo badan ah ku hirgalay, ayna muujineyso sida ay muhiim ugu tahay in loo helo xarumo ay ku shaqeeyaan Maxkamadaha iyo Xeer Ilaalinta, si maxaabiista ay u helaan xaquuqdooda.

dsc00311

dsc00313

dsc00314

dsc00317

dsc00315

dsc00320

dsc00318

dsc00322

dsc00321

dsc00323

Comments are closed.