Shir looga hadlayey Amniga Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Shirkaan looga hadlayey Amniga Deegaanada Galmudug ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Dhuusamareb ee Caasimadda Dawlad Goboleedka Galmudug, waxaana shir gudoominayey Madaxweyne ku-xigeenaka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi.

Kulanka ayaa waxaa  ka soo qaybgalay taliyeyaasha Ciidamada, maamulka, wasiiro iyo guddoomiyeyaasha Mudug iyo Galgaduud.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi ayaa kulanka kadib waxa uu sheegay in kulankani uu qeyb weyn ka yahay qorshaha amniga Galmudug, maadaama la mideeyey ciidamada Galmudug.

Maxamed Cabdi Xaashi ayaa xusay in la isku afgartay wada shaqayn iyo iskaashi lana qaadi doono dhowaan Howl-gallo ka dhan ah Kooxaha Al-shabaab, islamarkaana  looga saarayo kooxda alahsbaab meelaha ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Madaxda Galmudug ayaa wixii ka dambeeyey markii la mideeyey maamulkaasi waxa ay balan qaadayeen in Argagixisada Al-shabaab laga sifeyn doono meelaha ay ka joogaan Mudug iyo Galgaduud.