Ciidamada dowlad goboleedka Galmudug iyo ciidamada Ahlu Sunna oo dhowaan la isku dhafay ayaa bilaabaya howgal ka dhan ah Al-shabaab
Madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo kahadlayey munaasabad lagu mideynayey ciidamada Galmudug iyo Ahlu suna oo horey u kala ahaa Ahlu Sunna iyo Galmudug ayaa sheegay in qorshaha Galmudug ay kula dagaalamayso Al-shabaab uu xoogaystay, islamarkaana howlgalkaasi door weyn ay ka qaadanayaan ciidamada la mideeyey.
Axmed Ducaale Geelle Xaaf madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay shacabka Galmudug inay ciidamada ku garab siiyaan hawlgalka, si Al-shabaab looga dulqaado dhibaatada ay ku hayaan dadka ku dhaqan bariga gobolka Galgaduud iyo deegaano aan badnayn oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Galmudug oo hore loo mideeyey Baarlamaankeeda ayaa sidoo kale lagu guuleystay in la isku daro ciidankeeda oo hore ugu kala sugnaa magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb, taas ayaana u sahleysa iney qaadaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ku sugan degmooyin katirsan Galmudug.