Daawo: Magaalada Cadaado si weyn looga Ciiday

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyada oo aysan wax khilaaf ah, Masaajidda goobaha Barxadaha ayaa lagu oogay salaadda ciida, waxaana Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Cali Gacal Bulshada kala qeyb galeen Tukashada Salaadda fagaaraha Masjidka Tabliiqa.

Madaxda oo salaadda ka dib goobta ka hadlay ayaa Alle uga mahad celiyey Amniga iyo barwaaqada. sidoo kale Madaxda ayaa bulshada Galmudug kula dardaarmay in ay ilaaliyaan midnimada iyo wadajirka, iyagoo sheegay in khilaafka Madaxda Galmudug oo iska dhammaan doono.