Sawirro: Marxuum Maxamed Cali Samatar Oo Aas Qaran Loogu Sammeeyay Muqdisho

Wararka Maanta

Alle Haunaxariistee Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar oo ahaa Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore ee Soomaaliya, xilal kala dawana ka soo qabtay dowladdii Milatariga Soomaaliya ee Gen Maxamed Siyaad Barre ayaa maanta Aas Qaran Loogu Sammeeyay, dhismaha Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sh Cismaan Jawaari, R/wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Qaar kamid ah Madaxweyneyaasha Dowlad gobaleedyada ka dhisan dalka, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Saraakiil Ciidan iyo dadweyne Soomaaliyeed.

Kahor inta aan la aasin Marxuumka ayaa Madaxda iyo Dadweynaha ay Salaad Janaaso ah kula tukadeen Xarunta Wasaaradda gaashaandhigga, halkaas oo marxuumka loogu duceeyay.

14141699_655810454583482_8688752934719882553_n 14100512_655809914583536_5246154162079438217_n 14100434_655810387916822_5464500207863851626_n 14067627_655810531250141_4386278487359429066_n 14034874_655810191250175_8778231058721206181_n

Isha: Sonna

Tagged

Comments are closed.