Shir ka dhan ah Maamulka Farmaajo oo ka socda Dubai!

Wararka Maanta

Dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo xooggan ayaa ka socda magaalada Dubai ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo ay maalmihii la soo dhaafay ku qul qulayeen Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo Madaxda qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka.

Shirarka iyo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Dubai ayaa waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo xilligan geed fadhi u noqday mucaaradada xooggan ee looga soo horjeedo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Wararka laga helayo Dubai ayaa sheegaya in shirka ay qeyb ka yihiin Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Siyaasiyiin iyo tiro Xildhibaano ah oo ku dhow labaatameeyo.

Waxaa lagu wadaa in shirka ay ku soo biiraan Madax kale oo ka mid ah kuwa maamul goboleedyada iyo Xildhibaano, waxaana shir kale oo daba socda midka Imaaraadka Carabta ay Xildhibaano ku leeyihiin magaalada Nairobi.

Dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda gudaha dalka iyo dibadiisa ayaa sii xoogeystay, tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay dacwado ku soo oogtay Xildhibaano dhowr ah oo ay ku eedeysay Qaran dumis iyo inay u adeegayaan dowlado shisheeye

Imaaraadka Carabta ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday olole ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo, waxaana la sheegay in Imaaraadka uu dhaqaalaha ugu badan ku bixinayo mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo oo dhowana soo shaac baxay.