Faafaahin: Dad loo qabtay Qaraxii Fashilmay ee Guriceel (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ciidamada Amniga degmada Guriceel gobolka Galgaduud ayaa wada baaritaano ay ku dabagalayaan dadkii ka dambeeyey qaraxii shalay fashilmay, faafaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhagar qabihii isqarxin rabay, waxaana magaciisa lagu soo koobay Maxamuud Nuur oo u dhashay beesha Raxanweyn, ninkan ayaa la sheegay inuu wali ku adkeysanayo fikirkiisa, inkastoo uu qaraxii ka fashilmay.

Dhagar qabaha ayaa ka yimid degmada Ceelbuur, isagoo ay hagayeen dad deegaanka ah, Sidoo kale Ciidanka Amniga ayaa shalay galab gacanta kusoo dhigay nin la sheegay inuu hagayey ruuxii doonayey inuu is qarxiyo. Ninkan la soo qabtay ayaa waxaa lagu magacaabaa Cali Dhubad Nuurre, wuxuu ka soo jeedaa Beesha Habargidir Ceyr/Ayaanle. waxayna ninkan qaraabo dhow yihiin Cabdi Nuurre Siyaad (Cabdi Waal).

Cali Dhubad ayaa la sheegay inuu dhawaan Xamar ka yimid, isagoo ahaa ninkii gurigiisa ku hayey dhagar qabaha isqarxin rabay, sidoo kalena geeyey goobta munaasabadu ka socotay.

 

Sidoo kale ciidanka Amniga ayaa soo xiray dad kale, inkastoo qaarkood la sii daayey, ciidamada Amniga ayaa la filayaa in saacadaha soo socda warbaahinta usoo bandhigaan xogta rasmiga ah ee qaraxii fashilmay, inkastoo ay suurtagal tahay in ay dib u dhacdo.

Farsamada Qaraxaan ayaa muujinaysa in Alshabaab ay adeegsadeen lacag, si ay u gaaraan bartilmaameedkooda, goobjoogayaal ku sugnaa munaasabadii shalay ayaa inoo sheegay in nafti haligu dhowrjeer ku dhawaaday goobta ay masuuliyiinta fadhiyeen, inkastoo ay ku adkaatay inuu ka gudbo xeyndaabka ciidamada ilaalada masuuliyiinta. laakiin markii dambe uu fursad u arkay xilligii ay munaasabaddu soo idlaatay, kolkaas oo masuuliyiintu ay gaadiidka raacayeen.

Dhagar qabaha ayey u suurtagali waysay inuu isqarxiyo kadib fashil ku yimid farsamada qaraxa, waxaana intaas ka dib qabtay ciidanka amniga oo ka furay qaraxa, una kaxeeyey saldhigga degmada.