NUSOj iyo CPJ oo Cambaareeyay Xarigga Wariye Shaashaa.

Wararka Maanta

Maamulka Hirshabeelle waxaa Maalintii Sadexaad u Xiran oo Xabsiga Magaalada Jowhar ku Jira Wariye Cabdishakuur Shaashaa oo ah Agaasimaha Radio City fm iyo Wakiilka RTN-TV ee Xarunta Hirshabeelle.

Amarka lagu  xiray Wariye Shaashaa waxaa lagu sheegay inuu Toos uga yimid Madaxwaynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare mana jirto wili Cid Si Rasmi ah u og Danbiga loo Haysto Madaama an Wax maxkamad ah lasoo taagin. Balse Ceelhuuronline ayaa helaysa Xogo la xariira inuu Baahiyay Warar uu Dhibsaday Madaxwayne Waare Sidaasna uu ku Amray in Xabsiga loo dhaadhiciyo Shaashaa.

RTN TV: Gudiga Difaaca ee loo yaqaano Committee to Protect Journalists  Ee markii la soo gaabiyo loo yaqaano CPJ Iyo Ururka Suxufiyiinta Qaranka Ee Nusuj Ayaa Canbaareeyay Xariga loo gaystay Wariyaha RTN TV Ee Magaalada Jowhar Cabdi Shakuur Shaashaa

Dhinaca Kale Hoggaamiyaha Aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aden Duale ayaa ku baaqay in si deg deg loosii daayo wariye Cabdi Shakuur Shaashaa oo ah wariyaha RTN TV ee magaalada Jowhar.

Xoghayaha Guud Ee NUSUJ Mr Maxamed Ibrahim Macalimow Oo  war qoraal ah Oo ay soo saareen waxa ay cambaareeyeen xariga Shaashaa .Maamulka RTN TV ayaa uugu baaqay Maamulka Hirshabelle gaar ahaan Madaxwaynaha Hirshabelle In si deg deg ah uu xoriyadiisa dib loogu soo celiyo