Shillin Soomaaliga oo dib uga shaqeynaya Magaalada Beledweyne

Wararka Maanta

Ganacsatada magaalada Beledweyne ayaa bilaabay isticmaalka lacagta Shillin Soomaaliga kadib muddo shan bilood oo lacagta dollarka iyo lacagaha mobeelada laga tuuro wax lagu kala iibsanayay. Dadaalo ay sameeyeen Maamulka Hirshabelle, culumaa’udiinka, waxgaradka iyo qaar ka mid ah ganacatada ayaa ugu dambeyntii sababtay in lagu arko suuqyada magaalada Beledweyne lacagta Shillin Soomaaliga oo si caadi ah wax loogu kala iibsanayo.

Wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in lacag badan oo Shillin Soomaali ah ganacsato ka qaadeen magaalada Muqdisho ayna geeyeen magaalada Beledweyne taasoo fududeyso in la soo afjaro diidmada shillinka.

Sababaha ugu waaweyn ee loo diidayay lacagta Soomaliga ayaa ganacsatada Beledweyne waxa ay ku macneeyeen inay tahay iyadoo lacagta ay ku milantay lacago been abuur ah.

Shacabka ku nool magaalada Beledweyne oo ah magaalo ganacsiga caanka ku ah ayaa soo dhoweeyay in dib loo socod siiyo lacagta Shilin Soomaaliga oo Shan bil laga qaadan suuqyada magaaladaasi.