Dibadbaxyo Ka Socda Muqdisho iyo Suxufiyiin lagu xiray

Wararka Maanta

Waxaa maalintii labaad Magaalada Muqdisho ka socda dibad-baxyo lagu dalbanayo jidadka in la furo, Gaadiidleyda BL-ka iyo Bajaajta ayaa ka cabanaya jidadka oo xiran, canshuur saa’id ahna laga qaado iyada oo maamulka gobolka ka codsaday in jidadka loo furo sida ugu dhaqsaha badan.

Dibad baxayaasha ayaa gaadiid ku gooyey wadada KM4 halka shalay ay ka dhigeen KM5 ilaa Buulo-xuubey. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Cumar Filish oo markii uu imaanayey balan ku qaaday inuu jidadka furo. ayaan wali fulin balankaas.

Qaar ka mid ah darawalada ayaa sheegay in aanay meel isla gelin inay canshuurna bixiyaan iyo waddooyinka xiran, waxaana ay xuseen in howl maalmeedkooda uu ku soo koobmay hal dhinac magaalada ah, halka dhinaca kale aan loo gudbi karin, haddii loo gudbana aanay dhanka kale ee magaalada loo soo laaban karin.

Dhanka kale Ciidamada Dowladda ayaa xiray Suxufiyiin ku sugnaa goobta banaanbaxa, waxaana lasoo sheegayaa in jirdil loo geystay qaarkood, lagana wareegay qalabkii ay ku howlgalayeen, Suxufiyiintan oo gaaraya ilaa 3 suxufi ayaa Magacyadooda lagu sheegay Farxaan Maxamed Xuseen, Yoonis Duraan Ali Iyo Yaxye Xaaji Colaad.

Magaalada Muqdisho ayaa wadooyinka qaar waxaa lagu xiray jawaano ciid ah iyo ganjeelo, waxaana magaaladu noqotay laba qeyb oo ay adag tahay in la isaga kala gudbo.