Shil:Labo Markab oo isku dhacay dekadda Ber-bera

Wararka Maanta

Shil, ayaa xalay ka dhacay Dekeda Magaalada Berbera, ka dib markii ay isku dhaceen laba markab, iyadoo ay waxyeelo soo gaartay mid ka mid ah maraakiibtaasi.

Maraakiibtan, ayaa waxaa la sheegay in mid ka mid ah uu Dekeda Berbera ku xirnaa, halka midka kalena lagu waday in dekedaasi uu ku soo xirto.

Masuuliyiinta Somaliland oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa sheegay in mid ka mid ah maraakiibtaasi uu duleeshamay.

Maraakiibtan, ayaa waxaa lagu kala sheegay mid qaada xoolaha nool iyo mid kaloo qaada konteenarada, sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiinta Somaliland.

Shilkan waxa uu imanaya iyadoo Dekeda Magaalada Berbera ay ka socoto dhoofinta xoolaha nool, oo loo wado dalka Sacuudi Carabiya.

Sanad kasta xilligan oo kale, ayaa waxaa Dekeda Berbera laga dhoofiyaa kumanaan kun oo xoolaha nool ah, oo loo iibgeeyo Boqortooyada Sacuudiga.

 

Xigasho Bbc