Shariif Xasan oo boqolaal ruux meel fagaare kula tukaday (Sawirro)

Wararka Maanta

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta meel fagaare ah shacabka ku nool magaalada Baydhabo kula dukaday Salaada Ciidul Adxa.

Shariif Xasan oo ay wehliyeen qaar ka mid ah Wasiirada maamulkiisa, Xildhibaanada Koofur galbeed iyo dadweyne kale ayaa salaada ku dukaday Garoonka K/cagta ee Ayuub.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamada maamulka koofur galbeed ay ammaanka garoonka Ayuub ka sugayeen daafaha magaalada.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo la hadlay dadweynaha ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada Koofur Galbeed, waxaa uu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadgelyada

Wariyeyaal ku sugan Baydhabo ayaa soo sheegaya in Ciidan ay ka duwaneyd ciidihii hore, dadkana ay isugu soo baxeen waddooyinka, si ay ugu dabaal dagaan ciida.

baydhabo baydhabo1 baydhabo3 baydhabo4 baydhabo5

1 thought on “Shariif Xasan oo boqolaal ruux meel fagaare kula tukaday (Sawirro)

Comments are closed.