(Sawirro) Wasiiradda Cusub ee Waare oo la Dhaariyay

Wararka Maanta

Waxaa maanta Magaalada Jowhar ee xarunta u ah Maamulka Hirshabeelle lagu dhaariyay wasiirada cusub ee Maamulkaasi.

Wasirdaan ayaa dhawaan magacaabay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, waxaana maanta lagu dhaariyay gabagabada kullanka Baarlamaanka Maamulkaasi.

Sidoo kale waxaa goobta lagu dhaariyay xildhibaan ku cusub Baarlamaanka Hirshabeele kaas oo bedeley xildhibaan Cabweli maxamed Ibraahim oo ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa.

Wasiiradaan la dhaariyay ayaa waxa ay u badanyihiin xildhibaanada maamulkaasi, waxaana soo baxayay war sheegaya in Madaxweyne Waare Mooshin uu kaga hortagyo xildhibaanada uu wasiirada ka dhigay.