Xal Ayuu Leeyahay Khilaafka Dowladda Federaalka & Dowlad-goboleedyada

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Soomaaliya waxay dhexda uga jirtaa khilaaf siyaasadeed oo khatar ah, keenina kara in ay kala daataan guulihii ballaarnaa ee laga gaaray nabadaynta iyo qarandhisidda tan iyo sannadkii 2012-kii, markii uu dhammaaday xilligii ku-meelgaarnimada.

Baaqii 8-dii September 2018 ay madaxda shanta maamul goboleed ku sheegeen in ay hakiyeen wada-shaqeyntii dowladda federaalka, waa arrin sababo badan dartood welwel u leh, waayo, cod iyo go’aan noocan ah oo dhiillo wata, oo ay goboleedyada dalka oo idil ku midaysan yihiin, waa arrin ugub ah. Jawaab celinta dowladda (ama jawaab la’aanta dowladda) ee xiisadda sidaan u baaxadda weyn, ayaa iyaduna ah arrin walaaceeda leh. Si ka badan siyaabihii hore ayay lagama maarmaan u tahay in labada dhinac ay u guda galaan wada xaajood, waayo, wadahadal ayaa ah wadiiqada ugu dhow ee heshiis looga gaari karo xasillooni darrada siyaasadeed ee hadda taagan.

Halkaan ka aqri Warbixin dheer oo Mac-hadka Hiritage ka diyaariyey xalka khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Qoraal-Kooban-17-HIPS.10.06.2018