Shiikh Bashiir:” Lacagaha badan ee qaad ku baxa haloogu gurmado dadka Abaartu haysato”

Wararka Maanta

sheekh-bashiir-axmed-salaad

Guddoomiyaha Hay’ada Culimadda Somaliyed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ku baaqay in dhaqaalaha faraha badan ee lagu bixiyo qaadka loogu gurmado dadka Soomaaliyed ee xilligaan abaarta xoogan ay haysato.

Gobolada dalkeena qaarkood, waxaa ka taagan xaalad abaareed oo aad u adag, waxaana muhiim ah in dadka ay isku gurmadaan si xaaladan qatarta ah looga baxo.

 Sheekh Bashiir ayaa u sheegay Warbaahinta maalin waliba dhaqaale fara badan in lagu bixiyo qaadka oo ah maandooriye halis ah, taasi oo dalka la keeno.

“Dadkeenii abaar bay u dhimanayaan ayaa hadana dhaqaalaheenii iyo xoolaheenii waxaa la siisanayaa wax sun ah oo iyadoo loo jeedo aan wax laga qabaneyn, qaadka oo kale qarashka maalin walbo ku baxa haddii maalin kaliya loo weecin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaarta hayso wax badan bay u qaban lahayd.” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Dowladda Soomaaliya ayaanan ka talaabo muuqata ka qaadin xaaladaha dhanka abaarta ah ee dalka ka taagan, kuwaasi oo u baahan in gurmad deg deg ah Dowladda ay u sameyso Bulshada.

Comments are closed.