Kaalin Intee La Eg Beey Ka Qaateen Wariyaashu Doorashada Ka Socota Cadaado.
Waxaa sida aan ognahay magaalada cadaado ka socota doorashada xubnaha aqalka hoose maamulka galmudug u matalaya dowlada federaalka ah ee soomaliya.
Doorashada intii ay socotay waxaa soo wajahay marxalado kala duwan sida in dad ay ku dhintaan in la weeraro aqalka ay magaalada ka daganyihiin gudiga doorashada dadban ama ay jiraan isqabqabsiyo dhanka kuraasta ah Kuraasta la doortay ilaa hada waa [21] kow iyo labaatan,
Sidee ayey warbaahintu uga qayb qaaadatay doorashada ?.
Waxaa jira xarumo idaacadeed oo ka dhisan deegaanka ama wakiilo matala tvyada somalida intooda badan
Kusigii labo musharax ama sadax ku tartamayaan waxa musharax waliba gooni u taageeraya qaarka mid ah warbaahinta ka howlgasha deegaanka taas oo cadeyneysa in qiimihii warbaahineed halka ku dhumay
Hadii mid ka mid ah wariyaasha uu noqdo u qaabilsanaha warbaahinta mid ka mid ah musharaxiintii tartameysay ma ahan in uu yiraahdo hala doorto kanaa mudane.
Sida ii muuqata baryahan dambe waxaa aad u soo badanayay wariyaasha baraha bulshada kusoo qoroya musharax hebel hala doorto waa uu mudanyahay waana qof kasoo bixi kara xilkaas.
Miyeeysan aheyn in wariyahaas yahay mid beel ahaan u taageeraya musharaxaas ama doonayo in uu lacag ku helo qoraalka uu soo qorayo
Wariye ha noqon laaluusha qaate si gooni ahna ha u taageerin midkood tartamayaasha waaayo wariye waxaad tahay kan loo baahanyahay in uu bulshada u gudbiyo xaqiiqada jirta ma ahan in bulshada aad u soo gudbisa ra’yi kuu gooni ah adiga taasna meel kama soo gasho sharciga saxaafada hankaagu yuusan noqon laaluush ee si daacad ah ugu adeeg bulshada ku dhageysata.
W/Qoray: Wariye Axmed Cabdisalaan Khaliif
Comments are closed.