Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo Ka Hadlay Bandhig Ganacsiyeedyada Ku Soo Badanaaya Dalka

Wararka Maanta

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS oo Ka Hadlay Bandhig Ganacsiyeedyada Ku Soo Badanaaya Dalka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa xalay ka qeyb-galay xafladda xidhitaanka Bandhiggii Gaadiidka ee Muqdisho oo lagu qabtay hotel Gurya-Samo ee Muqdisho, waxaana uu ka hadlay bandhig Ganacsiyeedyada ku soo badanaaya wadanka oo uu sheegay inay muujinayaan horumarka dhinaca Ganacsiga balse waxa uu ku dhawaaqey inay qabanayaan bandhigga Ganacsiga Soomaaliyeed oo noqon doono bandhig mideeya sidoo kale na ay ka soo qeyb-galaan Ganacsiyada dalka oo dhan.

Wasiirka oo ay wehelinayeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda, ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyey ku boggaadiyey cid kasta oo soo qaban-qaabisay sidoo kale na gacan ka gaysatay barnaamijka bandhigga Gaadiidka oo uu sheegay inuu muhiimad weyn u lahaa dalka gaar ahaan ganacsiga, waxaana uu carabka ku dhuftay in Gaadiidku ay kaalin-weyn ku lee yihiin dhaq-dhaqaaqa iyo horumarinta Ganacsiga.

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, waxa uu Ganacsatada iyo Maal-gashadayaasha ba ugu baaqey inay Maal-gashiyo ku sameeyaan siddii Gaadiidka dibadda laga soo dhoofiyo looggu farsameyn lahaa dalka gudahiisa si loogga helo baa uu yidhi fursado Ganacsi iyo weli ba sidoo kale kuwo shaqo abuur.