Sawirro: Ugaaska Beesha Ceyr oo si diiran loogu soo dhaweeyey Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa galab si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Cadaado ugaaska Beesha Ceyr Ugaas Xasan Ugaas Maxamed.

Ugaas Xasan ayaa waxaa duleedka magaalada uga hortagay madax iyo shacab farabadan, waxaana ugaasku kasoo kicitimay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo ay ka taliyaan Ahlu sunna oo dhowr jeer oo hore u diiday in uu Cadaado u safro.

Ugaas ayaa kadib loo soo galbiyey gudaha magaalada, wuxuuna la kulmo la qaadanayaa qeybaha bulshada iyo musharixiin daneynaysa xildhibaanimo in ay helaan.

Imaanshaha Ugaaska ee Magaalada Cadaado ee fadhiga dowlad goboleedka Galmudug ayaa dhabarjab ku ah maamulka Ahlu sunna, ugaaska ayaa Cadaado u yimid sidii uu uga qeyb qaadan lahaa howsha doorashada xildhibaanada federaalka qeybta Galmudug.
fb_img_1475429697350 fb_img_1475429693466 fb_img_1475429690272 fb_img_1475429686744 fb_img_1475429682362 fb_img_1475429677736 fb_img_1475429672543 fb_img_1475429566604

Comments are closed.