DAAWO SAWIRRADA : Shir weyne ka furmay Muqdisho

Wararka Maanta

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furtay Shirweye Qaran oo ah dib u heshiisiin.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed , waxaana looga hadlaya sida ugu wanaagsan ee xal looga gaari karo khilaafka u dhaxeeya Bulshadda Soomaaliyeed.

Waxaa Shirkaan horay u iclaamiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya , waxaana ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guulleed, Wasiirada maamul goboleedyadda u qaabilsan Arrimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay doonayaan in lasoo Afjaro colaada saameynta ku yeelatay Bulshada Soomaaliyeed.

19059505_1986211418275552_5707175049946265691_n19190706_1243187412471243_1777010840_n123