Shabaab oo soo bandhigay Ciidamo isku dhiibay (Sawirro)

Wararka Maanta

Ururka Al-Shabaab ayaa degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxa ay ku soo bandhigeen Saddex Askari oo ka goostay Dowladda Federaalka, sida Shabaabka ay sheegeen.

Ragga Shabaabka ay soo bandhigeen ayaa waxa lagu kala magacaabaa Nuur Yuusuf Cali, Maxamed Axmed Raage iyo Nuur Maxamed Axmed, waxaana xilligii raggan la soo bandhigay ay ku labisnaayeen Dareeska Ciidanka Millitariga.

Shabaab waxa ay sheegeen wareysiyo raggan lala yeeshay in ay ku sheegeen sababta ay u soo goosteen in ay ka mid tahay dhibaatooyin badan oo ay la kulmeen, kuwaasi oo aan waxba laga qaban.

Qaar ka tirsan Askarta ayaa sheegay dhibaatooyinka ay la kulmeen inay ka mid yihiin in shacabka ku nool Gobolada dalka qaarkood in lagu haayo dhib xoogan, taasina ay u dulqaadan waayeen waa sida ay sheegeen.

Shabaab ayaa inta badan magaalooyinka iyo degaanada ay maamulaan waxa ay ku soo bandhigaan rag xiran dareeska Ciidanka oo ay sheegaan in ay ka soo goostaan Dowladda Federaalka iyo Maamulada dalka.