Qarax Gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka Maanta

Qarax gaari ayaa galabta oo Khamiis ah waxa uu ka dhacay ka dhacay laami yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho,  sida ay xaqiijiyeen Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaraxan ayaa waxaa gaarigiisa loogu xiray ruux la sheegay inuu gaariga watay, waxaana soo gaaray dhaawac culus, iyada oo daqiiqado kadib loola cararay mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya gaariga qarxay in ay saarnaayeen ilaa Saddex ruux oo laba ka mid ah ay badbaaday, balse keliya uu dhaawac soo gaaray Darawalkii gaariga kaxeynayay.

Ilaa hadda lama sheegin magaca ninkan iyo waxa uu yahay, waxaana socda baaritaano ay sameynayaan Hay’adaha ammaanka oo tagay goobta uu qaraxa ka dhacay.

Saraakiisha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen qaraxan nuuciisa inuu ahaa midka loo yaqaano dhejiska, hadana ay wadaan dabagalka raggii falkan ka dambeeyay.

Gaariga qarxay oo nuuciia uu ahaa midka raaxada ayaa gabi ahaan gubtay, iyada oo markii dambe ay damiyeen dadbkii gaariga ka kacay shacab halkaasi ku soo xoomay, Ciidamo Dowladda ka tirsan ayaa goobta tagay oo xiray wadadaasi, daqiiqado kooban.

Qaraxyada nuucaan oo kale ah ayaa inta badan waxaa lala begsadaa masuuliyiinta ka tirsan Dowladda Federaalka iyo dadka kale ee caadiga ah, waxaana inta badan geysta ururka Al-shabaab.