Shabaab oo sheegtay askar Mareykan inay ku dileyn duqeyn

Wararka Maanta

Al Shabaab ayaa sheegtay weerarkii Madaafiicda ee ay ku qaaden Xerada Ciidamada Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha hoose inay ku dileen saddex askari oo Ciidamada Mareykanka ka tirsan.

Saldhiga Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha hoose, waxaa ku sugan Ciidamada Mareykanka ee Somaliya ka hawlgala, kuwaasi oo Saldhig wayn halkaasi ku leh.

Al Shabaab waxa ay sheegteen madaafiicda oo gudaha Saldhiga ku dhacay inay ku dhinteen saddexdaasi Askari oo mid ka mid uu yahay Taliye sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay kaloo sheegeen in halkaasi dhaawac uu ka soo gaaray Shan askari oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee Saldhigaasi ku sugnaa.

Ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan Al Shabaab oo xaqiijinaya in khasaarahaasi uu soo gaaray Ciidamada Mareykanka ee Saldhigaasi ku sugan ee Madaafiicda shalay lagu weeraray.

Guutada Shabaab ee dhanka Madaafiicda u qaabilsan, ayaaka dambeeyay weerarkii Madaafiicda ku bilowday ee shalay lagu qaaday Saldhiga Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha hoose.