Sawirro: Booqashadii Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ee Deegaanka Bitaale

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Maxamed xaashi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay booqday deegaanka Bitaale oo qiyaastii 50km kagabeegan dhanka waqooyi bari magaalada Galkacyo ee Gobolka mudug.

Madaxweynaha ayaa ukuurgalay xalada Nololeed ee deegaankaas, iyadoona bulshada halkaas kunool ay siweyn u soodhaweyeen wafdigii madaxweynaha Bulshada ayaa kawaramay baahiyaha deegaanka sida waxbarshada , caafimaadka, xarumaha booliska deegaanka iyo guud ahaan xaladaha Amni ee deegaankaas.

Mr. Xaashi ayaa booqday goob caafimaad oo kutaala deegaanka bitaale asigoona sheegay in ay wasaarada caafimaadka dhawaan soo gaari doonto deegaankan, Madaxweynaha ayaa bulshada usheegay in ay dowladu garab taagan tahay bulshada loona bahanyahay in ay dhankooda qaataan kaalintooda, Dowladana waxa ay diyaar utahay dhameystirka xarumaha loogu adeego bulshada horay ayaa madaxweynaha GALMUDUG u booqday deegaankaas iyo deegaano kale.

bitaale1 bitaale2 bitaale3 bitaale4 bitaale5 bitaale6 bitaale7 bitaale8 bitaale9

W/Q beereey

Comments are closed.