Sergio Ramos: Mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee Real Madrid ma cadda

Ciyaaraha

Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa qirtay inuusan wax fikrad ah in uusan ka haysan hadii Cristiano Ronaldo uu doonayo inuu sii joogo kooxda ka dib dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal ayaa u muuqday inuu xagal uga jiro inuu ka tago Bernabeu intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaagan, isagoo ka careysnaa waayihiisii difaaca markii uu bartilmaameedsaday maamulka canshuuraha Spain.

Ronaldo ayaa kudhawaaday caasimada Spain, laakiin warar dhawaan soo baxay ayaa soo jeediyay in gooldhaliyaha guud ee kooxda uu ku wargeliyay madaxweynaha Florentino Perez inuu doonayo inuu baxo 2018.

Isagoo la weydiiyay wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalka ciyaaryahankiisa, Ramos ayaa u sheegay suxufiyiinta: ” ma aqaan waxyaabahan.”

Ronaldo, oo qandaraaska u saxiixay ilaa iyo 2021, ayaa dhaliyay 414 gool 407 kulan oo uu u saftay kooxda heysata horyaalnimada yurub tan iyo markii uu yimid Manchester United 2009kii.