Zlatan Ibrahimovic: “Libaaxyada uma soo kabsadaan sida aadanaha”

Ciyaaraha

Weeraryahanka Manchester United Zlatan Ibrahimovic ayaa qirtay inuusan weligiin ka walwalsaneyn inuu ku soo laabanayo jadwalka ka hor xilli ciyaareedka waxa uu yiri”Libaaxyada uma soo kabsadaan sida aadanaha”.

36 jirkaan ayaa saftay kulankiisii ​​ugu horeysay ee Red Devils 7dii bilood ee uu ka soo muuqday kursiga keydka kulankii Sabtidii ay 4-1 kaga badiyeen Newcastle United.

Ibrahimovic, oo haatan ku riyaaqaya lambarka 10aad ka dib markii uu ku biiray kooxda xagaagan, ayaa ka soo kabsaday dhaawac jilibka ah oo la saadaalinaayay 9ka bilood in uu kusoo kabar karo.

Isagoo weydiiyay BT Sport ciyaarta ka dib haddii uu ka walwalsan yahay inuu isdifaaco, weeraryahanka Sweden ayaa yiri: “Maya Libaaxyada uma soo kabsadaan sida aadanaha.

“Tani waa dareen gaar ah, Maalin duwan, tayada isku mid ah, anigu kama walwalsaneyn – Aad baan u tababbaraa, waxaan ku ciyaarayaa madaxayga, jilibkeyga ayaa u baahan kaliya inuu raaco.”

Ibrahimovic ayaa dhaliyay 28 gool 46 kulan oo uu u saftay United xili ciyaareedkii hore, taasoo keentay in qandaraas cusub laga saxiixdo.