Sawirro: Madaxweynaha Galmudug oo mar kale la kulmay Odayaasha Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa markale kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda Galmudug, kulanka ayaa ujeedkiisa ahaa in la taageero Maamulka Iyo xalinta Khilaafka madaxda Galmudug sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay dib u hishiinta beelaha dega Galmudug oo mudooyinka dambe ka dhex curteen  lakala dhaca gaadiidka.

Waxyaabaha kale ee kulanka looga hadlay in la furo dekada hobyo Iyo dhaqaale la’aanta Galmudug ka jirta taas oo u baahan caawinaad. Khilaafka Madaxda Galmudug ayaanan wali xal loo helin, waxaana muuqata inuu daba dheeraaday muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Galmudug.