Sawirro: Wararkii ugu danbeyey ee Weerarka Tehran

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Koox hubeysan ayaa weeraray baarlamaanka dalka Iran iyo Matxafka Ayatollah Khomeini caasimada dalka Iran ee Tehran.

Wakaalada wararka dalka Iran ayaa xaqiijisay in dabley hubeysan uu rasaas ka dhex riday gudaha baarlamaanka halkaa oo uu waxyeelo ku gaarsiiyay qaar ka mid ah ciidamadii ilaalada ka ahayd.

Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in xarunta aasaasaha Iranta cusub Ayatollah Khomeini laga maqlay rasaas dhacaysa.

Qof goobjooge ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in weerarka Baarlamaanka la soo afjaray.

Ciidamo badan ayaa la soo dhigey gudaha iyo banaanka baarlamaanka dalka Iran waxaana soo baxaya warar sheegaya in ugu yaraan saddex ruux oo hubeysan ay weerartay xarunta baarlamaanka. Halka haweney ay isku qarxisay dhismaha ayatullah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dhimashadu marayso 12 ruux, iyo dhaawac intaas ka badan, 4 nin oo weerartay Barlamaanka ayaa 3 ka mid ah la dilay, halka midkii afaraad isku qarxiyey dabaqa afaraad ee barlamaanka, dhanka kale xarunta madxafka ayaa waxaa isku qarxisay haweeney, halka mid kale ay ciidamada ammaanku gacanta ku dhigeen.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay weerarka ay raga hubeysan ku qaadeen xarunta baarlamaanka iyo dhismaha kale ee Ayatullah Khomeini.

FB_IMG_1496829223068 FB_IMG_1496829226437 FB_IMG_1496829249637 FB_IMG_1496829277834 FB_IMG_1496829363913 FB_IMG_1496829367845 FB_IMG_1496829383420