Madaxweynaha Galmudug oo u safray Galkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogamaaniya ayaa saaka u safar dhulka ah ku aadeen magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa ku sii hakaday magaalooyinka Galinsoor iyo Bandiiradley, waxaana la filayaa dhawaan gaaraan magaalada Galkacyo, oo sanadii dambe ay kusoo laalaabteen colaad u dhaxeysa maamulada Galmudug iyo Puntland.

Waa safarkii labaad ee madaxweynuhu ku baxo kadib doorashadiisii, Mr. Xaaf ayaa todobaadka booqday degmada Cabudwaaq, halkaas oo uu kula kulmay waxgaradka deegaanka.