Sawirro: Wafdi Turki ah oo maanta Booqday magaalada Hobyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ku soo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayey safiirka dowladda turkiga u fadhiyo Soomaaliya mr. Oglen Beker.

Wafdigan oo ay wehliyaan masuuliyiinta Galmudug ayaa wada booqday dekadda degmada Hobyo oo dhawaan dhismaheeda uu bilaaban doono, halkaa ayuuna safiirka ka sheegay in turkiga ay kaalintooda ka qaadan doonan howlaha hormarineed ee dekedda magaalada Hobyo.

Sidoo kale intii uu safiirka iyo wafdigiisa joogeen magaalada waxa uu kormeeray Isbitaalka Hobyo, xarunta ciidanka Badda, iyo Iskuulka Hoose dhexe iyo sare ee Hobyo.

Xarumahaan ayaa dhamaan waxaa  ka jira baahiyo fara badan, isagoo safiirku ballan qaaday in ay diyaar u yihiin turki ahaan hormarinta goobaha aas’aasiga u ah bulshada.

Degmda Hobyo oo ah magaalo taariikhi ah ayaa u baahan in la hormariyo si ay u noqoto magaalo dhisan oo ay u dhamaystiran yihiin waxyaabaha bulshada u baahan tahay.