Madaxweynaha Galmudug oo xilkii ka qaaday Wasiirkii Arimaha Gudaha Maamulkaas

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Shabakadda Ceelhuur Online ayaa heshay wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha ayaa wareegtadan ku sheegay inuu xilkii ka qaaday wasiirkii Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Galmudug Mudane Jaamac Xasan Salaad, Waxa uuna xilkaas u magacaabay Mudane Maxamed Xayir Nuur.

13501633_10206849114521815_3577713947720574865_n

Madaxweyne Guuleed ayaa Wasiirka  ku eedeyey xil gudasho la’aan iyo in uusan soo xaadirin goobta shaqada, Maalmihii la soo dhaafay ayaa C/kariin Guuleed waday Magacaabista xilal cusub, iyo buuxinta jagooyin horey u banaanaa, waxaana muuqata inuu isbadal ku sameynayo xubnaha la shaqeynaya, waxaan ilo xog-ogaal ah inoo xaqiijinayaan in dhawaan la filayo in wasiiro kale xilka laga qaado.

Dhanka kale Waxaa wali kacsan khilaafka ka dhaxeeya Madaxweyne Guuleed iyo qaar ka mid ah xildhibaanada, waxaana Guuleed isku dayayaan in arintaan awood ciidan u adeegsado, isagoo kooxda ka soo horjeeda ku sheegay qaswadayaal.

Sidoo kale Magaalada Cadaado ayaa maanta waxaa ka dhacay in Ciidamada NISA ay isku gadaameen hotel Centeral oo ay ku shir sanaayeen xildhibaanada ka soo horjeeda Madaxweynaha, waxaana ciidamadu wali ku sugan yihiin Hotelka, halka Xildhibaanadu ku jiraan gudaha Hotelka.

Galmudug ayaa wajahaysa qalqal siyaasadeed, waxaana Madaxweyne Guuleed garab ka helayaa Beesha Caalamka, Madasha Hoggaanka Qaran.

Halkaan ka aqriso wareegtada.

kk 001