Wasiirka Arimaha gudaha Hirshabeelle oo Mashaariic ka dhagax dhigay Buulaburde

Wararka Maanta

Wafdi uu hogaamnaayo wasiirka arimaha gudaha ee dowlad goboleedka Hirshabelle oo ay ka mid ahaayeen wasiirada howlaha guud iyo dib u dhiska, wasiirka isboortiska iyo dhalinyarada, xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha gudaha ee dowlada federaalka soomaliya iyo xilibaano dowladda federalka iyo kuwa Hirshabelle ka tirsan ayaa shalay gaaray degmada Buloburde si ay u dhagax dhigaan mashaariic horumarineed oo laga fulindoono (fulinayo)Degmada Buuloburde,

Ugu horeen waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaha degmada Buuloburde Cabdicasiis Duurow oo soo dhaweeyay wafdiga waxana uu sheegay in uu ku faraxsanyahay howlha horumarinta ah kuna dadaalayan sidii ay u ilaalin lahaayeen.

wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska howlad goboleedka Hirshabelle, wasiirka arimha gudah iyo wasiirka dhlinyarad iyo ciyaaraha hirshbeelle ayaa ka hadlay goobgta dhagax dhiga iyanoona sheegay in mashiicdn horumrined ee deegaanada Hirshabelle ay iska kaashanayaan wasaarada arimaha gudaha Hirshabelle iyo hay’adda sanduuqa xasilinta soomaaliya SSF

Waxaa ka loo munaasabada ka hadlay wakiilo qaybaha bulshada ah, kuwaas oo soo dhaweeyey mashaariicda, isla markaasna balan qaaday in ay ilaashan doonaa mashaariicdaas, waxay kaloo wakiiladu hor dhigeen madaxda ka soo qayb gashayaash munaasanda, mashaariicd kale oo degmada iyo shacabka ay u baahan yihiin  .

Ugu danbeytii waxaa goobta ka hadlay xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowlada federaalka soomaliya mudane Cabdullahi Maxamud Xasan iyo Xilibaanad Farhiyo Muumin oo goobta furitaanka mashaariicda ka hadashay ayaa bulshada kula dardaarantay in ay ilaashadaan mashaariicdan si ay ugu nafciyaan jiilka dane ee dhalan doono.

Dhammaan mashaariicdan horumarineed oo laga hirgalinayo degmada buuloburde ayaa ka kooban 6 qeyb oo ay ka mid tahay dhismaha xarunta degmada, hoolka shirarka, suuqa hilibka iyo khudaarta, garoonka kubada cagta, nalalka cadceeda ku shaqeeyo iyo (Taakulaynta  Haweenka Beeralayda ee Degmada Buuluburde).