Hogaamiyaha maamulka Ahlu sunno Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho, Sheekha ayaa ka qeyb galaya caleemasaarka Madaxweynaha cusub Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo beri ka dhaceysa magaalada Muqdisho.
Hogaamiye shaakir ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Madax iyo saraakiil ciidan oo dowlada ka tirsan.
Dowlada Soomaaliya ayaa casuumaad u dirtay Madaxda maamulada gobolada, waxaana sidoo kale magaalada Muqdisho maanta tagaya wafdi uu hogaaminaayo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo qulqulaya wufuud ka qeyb galaya caleemasaarka Madaxweynaha.