Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa war murtiyeed ka soo saaray kuraasta Xildhibaanada ee ka banaan baarlamaanka 10aad, muddo lix bilood ka badan, iyadoo Golaha walaac ka muujiyay, kana soo horjeestay go’aanka Maxkamadda sare ee gal dacwadeed ugu furtay kuraasta Xildhibaanada ee banaan.
War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in muddo Goluhu cadaadis uga imaanayay beelaha kuraasta leh, isla markaana ay haatan soo baxday go’aan Maxkamadda sare ay soo saartay oo dib loogu sii dhigayo xilligii loo qorsheeyay in doorashooyinka kuraasta banaan lagu qabto.
War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in dastuurka KMG uu dhigayo in Maxkamadda ay gal dacwadeed furi karto marka doorashada dhacdo kaddib, hadii mid ka mid ah tartamayaasha uu ka cawdo inuu jiray musuq maasuq saameyn ku yeeshay natiijada doorashada.
Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ka digay dib u dhac ku yimaada qabashada doorashooyinka kuraasta banaan, sidoo kale waxaa uu ka digay go’aanada garsoorka soo saarayo inay keenaan xasilooni dari siyaasadeed iyo mid amni.
Akhriso war murtiyeedka