Al-shabaab oo Sheegtay inay 5-Askari ku Dileen Qaraxii Nawaaxiga Wassaradda Gaashaandhigga

Wararka Maanta

Al-shabab ayaa sheegtay in shan ka mid ah Ciidamada Amisom ay ku dileen Qarax saaka ka dhacay Waddada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ayaa intaas ku daray in gaariga Ciidanka Amisom ee la qarxiyay uu ku bur buray weerarkaas,islamarkaana askarta dhimatay ay arkeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo deegaankaas ku sugnaa sida ay sheegeen.

Warka ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamada Amisom ay galbinayeen saraakiil ajaanib ah oo la shaqeeya Howlgalka Amisom ee Soomaaliya.

Todobaadk ka hor ayaa sidan oo kale Ciidanka Amisom waxaa lagu qarxiyay Waddada Jeneraal Daa’uud oo ku dhacda Waddada Warshadaha.