Sawirro: Mo Farah oo ku guuleystay 10000 Mitir Rio Olympics 2016

Ciyaaraha

Orod yahanka Maxamed Faarax oo loo yahan Mo Farah oo u tartamaya Dalka UK, asal ahaana kasoo jeeda Soomaaliya ayaa markii saddexaad ku guulaystay billadaha dahabka Olympic-ada 10000 mitir.

Mo Faarax ayaa difaacday horyaalka 10-ka kun ee mitir ee uu horay ugu guulaystay Olympicadii 2012-kii, waxaana kaalinta labaad galay Orodyahanka u dhashay dalka Kenya ee lagu magacaabo Paul Tanui.

373489D700000578-3739523-image-m-7_1471140946251 373499F700000578-3739523-image-a-71_1471139068749

Orodyahan Mo Faarax ayaa mar dhulka ku dhacay hase ahaatee uma hakan oo si fudud ayuu uga kacay, waxaana uu muujiyey awoodiisa, isagoo wacdaro dhigay daqiiqadihii ugu dambeeyey ee tartanka, markaas oo uu ka hormaray orodyahanka reer Kenya ee Paul Tanui.

Paul Tanui oo Kenya u dhashay ayaa ciriirsaday kaalinta labaad maadaama uu muujiyey dadaal badan, islamarkaana uu noqday shaqsiga kaliya ee la tartamayey Mo faarax.

3734670A00000578-3739523-image-a-3_1471166064436 3734670E00000578-3739523-image-a-6_1471166070783 3734705300000578-3739523-image-m-10_1471141016622

Comments are closed.