Eden Hazard Oo Hishiis Cusub Qalinka Ku Duugaayo

Ciyaaraha

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ku rajo weyn tahay in xiddiga weerarka uga ciyaara Eden Hazard uu qandaraas cusub u saxiixi doono Stamford Bridge Isbuucyada soo aadan.

26 jirkaan ayaa ah ciyaaryahan muhiimka u ah  Blues tan iyo markii uu ka soo wareegay Lille, isagoo dhaliyay 72 gool isla markaana caawiyay 62 gool 251 kulan oo uu u saftay.

Heshiiska haatan ee Hazard ayaa dhacaya ilaa sannadka 2020, laakiin sida laga soo xigtay The Sun, Chelsea ayaa ku rajo weyn inay  sannad kale oo dheeraad ah ku darto qandaraaska hada.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegaysa in mushaharka uu haatan  qaadanayo ee £ 200,000 todobaadkii waxaana loogu dari doonaa 100 kun oo ginni, taasoo ka dhigeysa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaarka badan adduunka.

Hazard ayaan weli ku bilaaban Blues xilli ciyaareedkan ka dib markii uu qaliin maray  laakiin waxa uu ka soo muuqday kursiga keydka labadii kulan ee ugu danbeysay.

W/Q Hafsa haji