Daalnaye Maxaa Inoo Dan Ah?

Arimaha Bulshada Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

13939533_10207739658223522_7812218108678212617_n

Waxaan joognaa qarnigii kow iyo labaatanaad, waa waqti dunidu horey u tilaabsatay oo inta dayaxa la tagay meeraayasha ka baxsan koonkeena tartan loogu jiro sidii guryo looga dhisan lahaa. Waa qarni dhankastoo la eegaba bulshada caalamku horey u mareen, hadey noqoto caafimaadka, cilmiga, dhaqaalaha iyo guud ahaan nidaamka nololeed ee bani’aadamka.

Hase ahaatee, qarnigan la joogo bulshada Soomaaliyeed nasiib uma eysan yeellan guud ahaan horumarka nololeed ee dadyowga kale. Taas bedelkeeda waxay hanteen dib u dhac, dagaalo, burbur, dowlad la’aan, jahli, qiimo dhac, qoqob, kala qeybsanaan, caafimaad daro, gaajo, abaar iyo tiro intaas ka badan oon halkan lagu soo koobi Karin.

Sidaas aawadeed, waxaan qormadan si kooban ugu qaadaa dhigi doonaa qodobo muhiim u ah fahanka dhibaatada ragaadisay ummadda Soomaaliyeed anigoo raacin doona fikir ahaanteyda xalku waxa uu yahay.

Dhibka Miyaan dhaxal u leenahay?

Dhibka iyo rafaadku maahan mid ay dhaxal u heleen ama soo wajahay kaliya Soomaalida, balse waa mid soo maray inta badan dunida caalamka oo haddii aad dib u eegto taariikhda, wadan kasta waxa uu soo maray xiliyo madow oo lagu xasuusto xaalado la mid ah kuwa ay maanta ku sugan yihiin Soomaalida oo kulansaday dhib kasta oo bulsho ku dhici kara.

Tusaale ahaan dalka Shiinaha oo ka mid ah maanta wadamada ugu horumarka, awooda iyo dhaqaalaha badan dunida waxa uu soo maray xaalado aad u adag oo wajiyo badan leh isuguna jira dagaalo sokeeye iyo gumeysi shisheeye oo dhaxalsiiyey dhibaatooyin farabadan oo la mid ah kuwa ku hagoogan maanta ummadda Soomaaliyeed.

Sidaas si la mid ah wadamada galbeed ee ku bahoobay qaarada Yurub waxay soo mareen waqtiyo adag oo ay dhexdooda isla galeen dagaalo ahli ah oo salfaday nolosha malaayiin qof sidoo kalana burbur iyo baaba’ xooganba kulansaday.

Si kastaba ha noqotee, guud ahaan wadamada aan kor ku xusay iyo inkaloo badanba marka laga reebo dalka Soomaaliya waa ay ka gudbeen caqabadahii iyo xaaladihii adkaa ee soo maray waana kuwa haatan qaarkood hormuudka u yihiin horumarka iyo baraaraha nololeed ee aadanaha.

Maxaa nagu reebay dhibaatada?

Waa su’aal aad muhiim u ah jawaabteeduna sida aan qabo tahay in dadka Soomaaliyeed jiilashii hore iyo kuwa haatanba ay gabeen kaalintoodii muwaadinimo, kana seexdeen waajibaadkii ka saarnaa ciida iyo calankooda.

Tusaale, dunida inteeda kale wixii dhibaato soo maray kuma aanay waarin oo way ka gudbeen, waxayna uga gudbeen in dadkoodii ay u istaageen midnimo iyo isku tiirsanaan, una guntadeen inay mustaqbal ka wanaagsan midkii ay ku jireen u horseedaan jiilasha iyaga ka dambeeya, waxayna taasi horseeday in dhalaankoodu maanta ku naalooddo nabad iyo reyn-reyn, halka Soomaalidu isdhaxalsiiyeen cuduradii, xumaantii iyo aafooyinkii ab ka ab ilaa haatana sii jiitamaya, waana sababta qarnigan kow iyo labaatanaad ee dunidu horumartay caruurta iyo hooyooyinkeenu la daalaa dhacayaan diif, haraad iyo darxumo.

Maxaa inoo dan ah oo lagu dawoobaa?

Dawadu waxay ku jirtaa in dhalinta maanta ay garwaaqsadaan waajibaadka ka saaran dalkooda ee ay gabeen aabayaasheen oo ina dhaxalsiiyey waxa aynu ku suganahay xiligan.

Waxaa inoo dan ah inaan iska qaadno heeryada maskaxeed ee ay nagu qufuleen jiilashii inaga horeeyey oo ay u horeyso qabyaalada, isir-sooca iyo kala qeybsanaanta.

Ugu dambeyn waxaa xusuusin iga mudan in dal walba oo gobanimo iyo isku filnaansho gaaray ay u horseedeen dhalinyaradiisa, taasna ay muujineyso in ay muhiim tahay in dhalinyaradeenu ay u istaagaan samata bixinta dalka iyo dadka una dhisaan mustaqbal wanaagsan jiilasha inaga dambeeya.

WQ: Abdullahi Kullane
kala xiriir: kullane46@gmail.com

Comments are closed.