Sawirro: MD Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyey Hobyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey degmada Hobyo Gobolka Mudug, Madaxweynaha oo kasoo kicitimay Cadaado ayaa duhurnimadii maanta kasoo dagay garoonka Diyaaradaha Hobyo, waxaana loo galbiyey xeebta Hobyo halkaas oo ay ku sugnaayeen dadweyne farabadan. Madaxweynaha ayaa safarkii waxaa ku wehliyey Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, iyo Xildhibaano.

MD Farmaajo ayaa dhagax dhigay Dekadda Hobyo iyo Wadada Hobyo Cabudwaaq. waxaana uu goordhow u ambaxay magaalada Muqdisho. Waa Magaaladii ugu dambeysay ee kusoo afmeeray booqashadiisa.