Barcelona Oo Ku Dhawaaqday Bixitaanka Javier Mascherano

Ciyaaraha

Barcelona ayaa xaqiijisay in Javier Mascherano uu mustaqbalkiisa Camp Nou ku soo gabagabeyn doono dhamaadka Isbuucaan ka dib todoba iyo bar sanno oo uu kooxda joogay.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa lagu tilmaamaa inuu ka tagayo bisha Janaayo marka uu yimaaday Yerlie Mina kooxda ka dhisan dalka Spain .

Mascherano ayaa Arbacada macsalaameyn loo sameyn doonaa si uu ugu mahadceliyo sanado badan oo uu u shaqeynayay, madaxweynaha Josep Maria Bartomeu iyo kooxda koowaad ee dhamaantood xafladda soo xaadiri doona.

Kooxda kubada cagta ee Chinese Super League ee Hebei China Fortune ayaa la filayaa inay bixiso 8 milyan oo ginni  33 jirkaan, kaasoo sidoo kale lagu soo waramayo inay dalab ka heleen Major League Soccer iyo dalkiisa hooyo ee Argentina.

Mascherano ayaa Barca kaga soo biiray Liverpool 2010, waxaana uu 334 kulan u saftay kooxda reer Catalan