Daawo: Senator Abshir Bukhari oo Bacaha Roobka ugu deeqay 186 Qoys

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta
Qoysaskan oo gaaraya ilaa 186-Qoys ayaa isugu jira kuwa horay u daganaa Cadaado iyo qaar maalmo ka hor ka soo barakacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa deeqdan Teendhooyinka ah maanta soo gaarsiiyay Abshir Maxamed Axmed Bukhaari oo ka tirsan mudanayaasha aqalka sare ee dhawaan la doortay.
Gudoomiyaha degmada Cadaado C/llahi C/raxmaan Tootoole oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii maanta barakacayaashan soo booqatay ayaa ku baaqay in la caawiyo dadkan oo qaarkood ay duruuf adag ku suganyihiin.
Abshir Maxamed Axmed oo ah mudanihii ugu horeeyay ee Aqalka sare ee Soomaaliya yeelato ayaa sheegay in uu xoogga saari doono wax u qabashada dadka danta yar.
Dhawrkii todobaad ee la soo dhaafay ayaa magaalada Cadaado waxaa soo gaaray in ka badan 200 oo Qoys oo ka soo barakacay colaadda ku soo laalaabatay magaalada Gaalkacyo.
https://youtu.be/pcxp9Toi690

Comments are closed.