Magaalada Cadaado ayaa maanta waxaa ka dhacay doorashada saddex kursi, waxaana natiijadu usoo dhacday sidan:
- Kursiga Ceyr waqooyi , waxaa ku guuleystay Mahad Maxamed Salaad oo helay 40 cod, halka C/qaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) helay 10 cod, hal codna wuu xumaaday, waxaana goobta soo xaadirin Ayaan Daahir Salaad.
- Kursiga Ceyr koofur, waxaa ku guuleystay Ganacsade Siciid Nuur Qeyliye (Giriish) oo helay 50 cod, halka Musharixii la tartamayey Nuur Daahir Diiriye helay 1 cod.
- Kursiga Beesha Madhibaan Waxaan cod gacantaag ah ku guuleystay Qaasim Maxamed Jaamac, kadib markii uu tanaasulay Musharax Cabdirisaaq Cabdulaahi Jaamac oo kursiga kula tartamaya.
Hadaba halkaan hoose kadaawo sawirada doorashada sida ay u dhacday.
Comments are closed.