Sawirro: Maxkamada ciidamada oo dil ku fulisay Askari horey dil u geystay

Wararka Maanta

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa saake mar kale toogasho ku fulisay maanyafuulka magaalada baydhabo.

Askariga saaka la toogtay waxaa lagu magacaabi jiray CALI BUUROOW MAXAMAD wuxuuna ka tirsanaa ciidanka boliiska gaarka ah ee koonfur galbeed.

Askarigan ayas sanadki hore dil u gaystay QAASIM CABDIYOOW XAAJI KEEROOW dhaawacna ugaystay labo wiil oo uu dhalay Marxuumka. Dilkaas oo ka dhacay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ayaa isbuucaan 6 ruux ku fulisay dil toogasho, waxaana muuqata in shaqada Maxkamadu dardar gashay.

FB_IMG_1493107953014 FB_IMG_1493107957242 FB_IMG_1493107961365 FB_IMG_1493107965186